Ninkii aasaasay BBC-da waxaa uu qabay ama uu u arkayay in Hayadda BBC-du ay leedahay seddax howleed oo waaweyn, kuwaas oo kala ah: in ay dadka wargeliso,in ay dadka wax barto iyo in ay dadka madadaaliso. Xitaa maantaa howlahaas waxaa weeye kuwa ay suxufiyiinta qabtaan, hadii ay u shaqeeyaan idaacad iyo hadii ay u shaqeeyaan wargeys ama saxaafada Internet-ka.
Warar suagan ee xaqiiqo ahi waxaa uu dadka ka caawiyaa in ay ka fekeraan waxyaabaha gaar ahaan mujtamacooda waxyeelaynaya iyo guud ahaanba dunida aynu ku noolnahay, dadka waxay saxaafada u adeegsan karaan in ay ku hormariyaan xirfadooda iyo aqoontooda iyo in ay wax ka ogaadaan waxyaabaha muhiimka ah ee kusoo kordha qaybaha kala duwan ee nolosha, waxyaabaha madadaalada iyo maaweelaha ah ayaa ah qeyb ad ugu xoogeysanaya saxaafada gaar ahaan Yurub Iyo Maraykanka. Dabcan madadaalada heerkeedu sareeyo waxaa kale oo ay islamarkiiba noqonkartaa wargelin iyo waxbarasho.
Howl maalmeedka Wariyaha waxa ay noqonkaraan mid kastaa oo kamid ah qodobada soo socda:
- Xaadiridda ama tegidda meesha ay arin war ku jiraa ka dhacayso ama qorshuhu yahay in ay ka dhacdo oo lagu balamay.
- Uruurin iyo baaritaan lagu sameeyo wararka iyo afkaarta kala gedisan.
- Dabagal iyo baaritaan wararka iyo sheekooyinka.
- Xulashada iyo soocashada waxyaabaha ugu muhiimsan ee sugan.
- Waxa ay soo saaraan oo ay qaabab kala duwan usoo bandhigaan waxyaabihii ay soo ururiyaan oo ay ka mid yihiin qodobo sheeko.waraysiyo.qoraalo iyo faalooyin
- Waxyaabaha kasoo kordha faalooyinka.
- waxa ay hubiyaan oo ay tafaftiraan wararka ay usoo diraan dadka ay xariirka wadashaqeynta ka dhexeyso.
Qeybtii kowaad Howsha Suxufiga xirfadyahanka ah |
Leave a comment