MAXAA DUMARKII SOOMAALIYEED EE QURBAHA KU NOOL “SINGLE-MOTHERS” KAWADA DHIGAY?

MAXAA DUMARKII SOOMAALIYEED EE QURBAHA KU NOOL “SINGLE-MOTHERS” KAWADA DHIGAY?

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow, waxaan Qeybtii 1-aad uga soohadlay waxyaabaha dumarka Soomaalida ahi ee dhulalkan gaalo jooga sameeyaan ee sababta u ah burburka guryaha Soomaaliyeed ee qurbaha.Waxaana ciwaano uga dhigay: Dumarkii inkaarta qabay, leeymankii shirarka, sharta iyo sheeydaanka, iyo ugu dambeyn taleefanada dumarka kale wax lagula xanto ee dhagtaba aan laga qaadin odeygii guriga oo jooga tixgalin lahaan, ama haba maqnaado’e. Qeybtan labaadna waxaan uga hadleeynaa ciwaankan soo socda, ee kabogasho wacan.

DHAQAN XUMI IYO FURIIN KU DEGDEGID DIB LOOGA WADA SHALLAAYAY!

Xikmad Soomaaliyeed baa dhaheeysa: “Hasha geela iyadaa cuni, iyadaana cabaadi!” Waxaan xikmadan usooqaatay in aan ku cabiro single-mothers-ka/Garoobada Ilmaha leh, ee dhulalkan gaalo jooga sida xaalkoodu yahay. Sida xaqiiqdu tahayba marka lagareebo inyaroo faro-kutiris ah, guryaha dhulalkan gaalo Soomaalida uga burbura, inta ugu badan waxaa dumiya dumarka, sababtuna waa in iyagoon diin saas ah laheyn, Alle kacabsiguna kuyar yahay, eey gaaladu ku dheheen hadii xaajigaada aad isqabataan, bac dharkiisa ugu gure ceeyri, haduu kuu hogaansami

Hasha geela iyadaa cuni, iyadaana cabaadi!

waayana, 911 ugu wace booliska u gacangali. Halka diinta Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliyeed ee intiisa ugu badani diinta Islaamka kuqotonto, eey qabaan in hadii qoyska dhibkooda eey ku filnaan waayaan, riximka iyo qaraabada oo dabcan daneeynaya in eey wanaag kuwada dhaqmaan uu dhexgalaan. Nasiibdarro! Waxaa burburka qoyska siibadayey dumarka qaar oo si khaldan isugu sheegay, in shalay dalkii hooyo markii lajoogay ay gumeeysi kujireen, maantana dhulalkan gaalo eey xoriyad iyo awood dheeri ah gaaladu kusiisay, markoodana u isticmaalayaan raga qaba, ee caruurta eey udhaleen, iyadoo eeysan kafikireyn mustaqbalkooda dhow iyo kan fogba ee duruufaha nolosha kaqabsan doona, iyo mustaqbalka caruurtooda intaba.

Dumar Soomaaliyeed oo ku sheekeysanaya mid kamid ah wadooyinka Minnesota.

Waloow dumar badan waxbadan fahmeen maanta, waxaa dhaqan u ahaan jirtey dumar badanoo dhulalkan gaalo joogo, in ragooda  guryaha ka eryaan, isla markiibana u wacaan dumarka kalee saaxiibadooda ah, ee dariska la ah, iyagoo dhahaya: “Warkii….. bacdii madoobeyd baan garabka usaaraye, daaqada ka fiiri waakan wadada marayee!” Waxeey inbadan ugu fududadeen ragooda waxyaroo ismaandhaaf ah, oo sifudud lagu xallinkarey. Ragooda oo mustaqbal lahaa, reerahoodana ushaqeeysan jiray, oo biilan jiay, ayey boolis ugacangaliyeen, oo xabsi udhigeen.

Wadamadan gaaladana qofka mar haduu xabsi galo, waa qof eey u dhamaatay, oo mustaqbal beelay. Maxaayeelay cidi shaqaaleeysiisan meeyso, foomamka shaqada ayaa lagu weeydiinayaa in waligiis la xiray, la xukumay oo xabsi uusoo maray (ex-convict). Haduu qariyo xataa waa lasoo ogaanayaa, oo qofka lama shaqaaleeysiiyo illaa lasoo baaro (Background check). Waxaa intaa u siidheeraa ragga Soomaaliyeed, xushmad, qadarin, iyo karaamo la’aanta,  ku jirto aflagaado, afxumi iyo u dhaqanka si aanu mudneyn in loola dhaqmo nin dhamoo reerka odey u ah, ilmahana aabahood ah.

Warbixin laga soo saaray dadka xabsiyadda dalkaasi Maraykanka ku jira

Ragga in badanoo ka mid ah ayaa isku buuqay, oo cudurka Depression-ka kudhacay. Rag badan baa dhulalkan gaalo dib uga cararay, oo dumar dhul gaalo joogtaba kaquustay, dibna udoontay dumarkii dhaqanka Soomaaliyeed lahaa, ee dhulkii hooyo joogay, ee siinjiray raga Soomaaliyeed heybada, qadarinta iyo qiimeynta ragooda ka mudan yihiin.

Maantase Single-mothers-kii/Garoobadii Ilmaha lahaa markii noloshii qurbaha eey waxkasta ku kali noqdeen, oo ay kuwada adkaatay, oo waxkastoo lamaane eey uheeysatey kaligeed kusoo wada baxsadeen, wiilashiina kawada dayacmeen, ileen wiil aabe ayuu kacabsadaaye, oo waxbarashadii kawada saaqideen, daroogo-cunayaal wada noqdeen, Gangs kuwada biireen, xabsiyadana wada buux dhaafiyeen-Gobolkan Minnesota ayaa la sheegaa in 7000 (Todobo kun) oo dhalinyaro Soomaali ah, oo gabdho iyo wiilalba leh xabsiyada ka buuxaan-oo qaad xabad lagu wada curyaamiyey, qaarna lawada toogtay oo lawada dilay, qaarkoodna dumarka lagado (prostitutes) laga dhigtay, single-mother-tiina shalay marwo sharaf leh, oo guri buuxa heysata ayey aheyde, maanta kuwo nolosha kadhacay, oo meelaha taagtaagan, oo wax sharaf ah haba yaraatee aan u heynin, ayaa meelaha kuwada khudbo-sireeysta (On-call Husband), markuu nacana iska siifura, markaaseey qeeylo meelkasta lataagan yihiin.

Mudul gubtay, mudul gubanaya kama noxo!

Kaagasiidarane, iyagaa waxkastoo eed ah dusha kasaara ragii heynkari waayey, ee isaga cararay. Inta Facebook-ga live-ka ah, ee Youtube-yada isasoo galiya, ma arkeeysid mid iyada khaladaadkeeda qiraneeysa, oo anaa intaa ku khaldanaa dhaheeysa. Midkastaahiba waxeey iska dhigeeysaa Maalaa’ig, midkii mushkiladeeda u adkeeysan waayey ee isaga qaxay iska daaye, raga Soomaaliyeed oo dhan ayey burush saxaro leh lawada dabataagan yihiim. Bal ufiirso marna ma arkeeysid gabar Soomaaliyeed oo asturan, reer buuxana heysata, oo baraha bulshada lataagan caayda iyo eedeeynta ragga Soomaaliyeed, dhaheeysana xuquuq dumar baan udoodayaa, dhamaan waxaad wada aragtaan waa Single-Mothers/Garoobo Ilmo leh oo wadaqeeylinaya, kadib markii eey guryahoodii dumiyeen, ayey si farsameysan guryaha dhisanna in eey uwada burburiyaan kashaqeeynayaan. Soomaalida ayaase hore utiri: “Mudul gubtay, mudul gubanaya kama noxo!”

GUNAANAD, AFEEF IYO CODSI

Ulla jeedada qoraalku waa in aan qoysaska Soomaaliyeed halista  uga digno, si qoysaska ay inoogu dhaqmaan, oo aynu u wada bullaalno. Waxaan codsanayaa in wixii talo & tusaaleeyn, toosin, fikrado, iyo dhacdooyinba la iigu soo hagaajiyo e-mailkeeygan hoos ku xusan. Wabillaahi Towfiiq.

Run sheeg, waa ceeb sheeg!”

Lasoco qeybta 3-aad Inshaa Allaah……

(Visited 103 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..