HALKEE AYAAN FARXAD IYO NABADDA KA HELNAA? DUNIDDA WAA DHIB BADAN TAHAY’E

HALKEE AYAAN FARXAD IYO NABADDA KA HELNAA? DUNIDDA WAA DHIB BADAN TAHAY’E

Quote Farxadda  dhabta ah ma inaad heshaa waxaad doonayso oo dhan, sida guurka, hantidda, ama lacagta, caruurta, ama xil aad u weyn? Mise waxaa jira faham kale oo u baahan in aan is yara dul taagno?


(الَّذِينَ آَمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُمْ بِذِكْرِ اللَّهِ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ)
“Kuwa rumeysan Towxiidka Alle, Oo ay quluubtooda ka hesho xasillooni xusidda Alle. Xaqiiqdii, xusidda Alle bay quluubtu ku xasishaa” Ar-Racad aayada 28-aad

Bal waxay maskaxdeena garanayso aan isla eegno, si aan wax weyn ugu ogaano halka faraxdda laga helo, iyo halka aynu inaga oo dhan ka raadinayno in ay kala duwan yihiin, waxaan tusaalooyin kooban kusoo qaadan doonaan waxa ay dhallinteena maanta garanayaan

Elvis Presley: wuxuu ahaa wiil dhalin yar oo heesaa ah, wuxuu keenay heeso badan oo dunidda reer galbeedka iyo qaaradaha kale ee dunidda caan ka noqday,  reerka uu ka dhashay waa reer aad u ladan oo dhaqaalle uu Alle ku manaystay, heesaha uu qaaday waa kuwa aan halkaan kusoo koobi karin
H
adaba Elvis Presley,  wuxuu Alle Weyne  siiyay qurux iyo caafimaad aad u wanaagsan,maskaxiyana aad u fiyoow, wuxuu lahaa  hanti badan, wuxuu sidaasi oo kale lahaa dumar badan oo saaxiib la ahaa oo marba mid uu la seexan jiray, inkastoo markii danbe uu guursaday mid kamid ahaa gabdhaha filimadda ka jilla Holywood-ka oo lagu magacaabo Priscilla Prsley.

Elvis Presley wuxuu helay dhamaan  wax qof bini’aadam ah uu ku farxo, waxaa gacantiisa soo gashay dunidda kala barkeed, dhaldhalaalka dunida oo dhan ayaa agtiisa la dhigay, laakiin ma garan kartaa sida uu u geeriyooday?!!.

Wuxuu ku geeriyooday Presley Suuliga ama Musqusha gurigiisa ku dhaxtiil, isaga oo aad u isticmaalayay mukhadaraad ama maandooriye baddan, bal adigaba dib u aqriyoo taariikhda ninkaani waligiis wax farxad ah masoo marin, nolosha dhaldhalaalka badan ee  inaga inoo muuqday waxay aheyd mid isaga uu dhib weyn ku qabay.

Ogoow!Farxadda aad ku hesho dunidda in ay ka timaado Qalbiga

Hadaba walaal dhibka haystay Elvis Presley iyo dhibka maanta inaga ina haysta waa isku mid hadeynu nahay dhalinyaradda maanta nool, farxadda waxaynu ka raadinaa meel aysanba oolin, tusaale: Wiilka wuxuu aamin sanyahay hadii uu barto gabarta ama innantaa in uu yahay ninka ugu farxadda badan, kan ganacsadahana wuxuu aamin san yahay hadii uu noqon lahaa sida ganacsadaha caanka ah in uu noqon lahaa kan ugu faraxadda badan dunidda, Gabadhana waxay aamin santahay hadii uu guursado wiilkaa in ay farxad halkii ugu danbeysay ay ku noolaanayso ama helaysaba.

 Dhamaanteen waxaynu faraxadda ka raadinaa meel khalad ah, waxaynu isla ogolnahay dhamaanteen hadii uu Alle ina siiyo dhamaan farxadaasi in xaaladaha aad adiga kaligaa isla joogto aad u baahan tahay wax farxadaasi kuu baddasha ama kuu buuxiya xaaladda aad markaasi kaligaa aad guriga joogto.

Xaqiiqdu waxay tahay Anbiyaddiii uu Alle weyne soo diray, ama kuwa mufakiriinta ahaa, waxay dhamaantood isku raaceyn in farxadda ay tahay faraxadda aad ka dareento laabtaada (daganaansho) xagga qalbiga ah, ama afka ingiriiska lagu yiraa Inner Peace, midaasi oo indhaha oo dhan aad ka laabanayso waxa hareerahaaga ka socda oo xumaan ah.

Hadaba hadii aad doonayso in aad kala saarto qof faraxsan iyo qof aan faraxsaneyn waxaad ku eegtaa qofkaasi marka uu xanuunsado ama marka ay dhib haysto, waxaad ogaanaysaa qofka farxadda haysta markii ay musiibo ama balaayo u timaado waa uu murugoonayaa ama waxaad ka dareemaysaa tiiraanyo, dabcan haa arrintaasi waa mid dabiici ah oo ibnu aadamka oo dhan ka siman yihiin, wuxuuse dhibkaasi ku jirayaa qofkaasi maalin ama labba maalin kadibna noloshiisa caadiga ahaa ayuu kusoo laabanayaa.

Laakiin midka aan faraxsaneyn hadii uu dhib ku dhaco, waxaa uu noloshiisa ku madadaaliyaa sigaar, maandooriyayaal, heeso, iyo arrimo kale oo aan lasoo koobi karin, waxay qaadataa in noloshiisa ay dib usoo kabato hal sanno ama ka badan, marka labadaasi xaaldood ku fiiri qofka bini’aadamka ah, qofkee ayaa faraxsan midkeese ayaan faraxsaneyn? midkee ayaan nabad iyo farxad ku nool ama midkee ayaan qalbigiisa nabad dareemeyn?.

Sidaasi darteed walaalayaal Qur’aanka Kariimka ah waxaan erayka Salaam ama nabad gelyo iyo erayga daganaansho ( طُمَأْنِينَةُ )ka heli karnaa soddomeeyo jeer, halka erayga (السعادة) ama farxadda laga helayo Qur’aanka gudihiis labba jeer, kuwaasi oo lagaga hadlayo jannadda iyo daarta aakhiro oo ah mida ugu danbeysa.

Sidaasi oo kale Salaada gudaheed waxaad ku samaynaa Salaanta Nabiga SCW, iyo salaanta kuwa saalixiinta ahaa midaasi oo ah (اَلسَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ، اَلسَّلَامُ عَلَيْنَا وَ عَلٰى عِبَادِ اللهِ الصَّالِحِيْنَ،) sidaasi oo kale salaada waxaan kusoo gaba gabeynaa Salaanta Islaamka Asallaamu calaykum, iyo salaanta Islaamka oo ah Assalaamu calaykum, hadaba Alle ujeedka uu ka leeyahay oo sidaasi inoo faray waxay tahay in aan qalbiyadda ka dareeno farxada, oo aan helno farxad dhab ah, iyo nabad helyo dhab ah, mara aan inagu dareeno farxadaasi iyo nabadda ayeey kuwa kale dareemi karaan.

Ugudanbeyntii walaal waxaan kusoo koobaynaa hadal yar oo aad u macaan midkaasi oo laga yaabo in uu isbadal kugu keeno, Wuxuu yiri Sheekh Ibnu Taymiyah hadal aad u macaan.

Maxay igu sameynay karaan kuwa cadawgayga ah, jannadda waxay ku jirtaa laabtayda (Waa Qalbiga) meel walibaa oo aan aado waa ila socdaa, Hadii ay cadawgayga iga saraan magaaladda, waxay ii tahay fursad aan ku kala barto dunidda waasica ah, Hadii ay xabsi i dhigaana waa ii fursad oo aan Alle ugu sujuudo, Dilkayguna waa shahaado,

Macnaha hadalku waxaa uu sheekha ula jeedaa waligaa qalbiga haka dareemin wax ciriir ah, Alle culeys walibaa waa uu kaa dajin doonaa, waase hadii aad u sabarto. oo qalbiga nabad ka dareen waligaa. Alle weyne ha inawada siiyo farxad aan ka dareeno qalbyadeena Inshaa Allaah.

Tusaalooyin kalo oo badan hadii aad doonayso Waxaad eegtaa Jilaaga caanka ahaa ee keenay Filimka Home Alone  Macualay Culkin iyo noloshiisa waxay ku danbaysa, Waxaad kaloo aqrin kartaa cayaartooy badan oo maanta dhalinta taageerto oo aan wax farxad ah aan ku nooleyn.

 | wuxu fikri ah tallo iyo tusaale ah oo ku saabsan maqaalkaani waxaad inoogu reebi kartaa web-kaan ama page-kaan, waxaa sidaasi oo kale inoogu reebi kartaan barteena facebook-ga Radio Buulo Xuubeey|

(Visited 327 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..