TV laga leeyahay Pakistaan oo sheegay in Donald Trump uu asalkiisa Pakistaan kasoo jeedo

TV laga leeyahay Pakistaan oo sheegay in  Donald Trump uu asalkiisa Pakistaan kasoo jeedo

Waxaa aad isku soo taraya warbixino sheegaya in Madaxweynaha la doortay dalka Maraykanka Donald Trump in dhalashadiisu aysan aheyn Maraykan ee uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistaan, waliba qoys Muslim ah uu asalkiisa kasoo jeedo.

Muuqbaahiyaha lagu magacaabo Neo News Channel qeybta af-ka Urduuga ku hadasha ayaa lagu sheegay in Trump magaca uu ku dhashay ama loogu wanqalay ayaa ahaa Dawood Ibraahim Khan, kuna dhashay Shawal oo dhacda Waqooyiga gobalka Waziristan, gobalkaani oo ah mid ay aad u xukumaan waxa loogu yeero muslimiinta mintidka ah, sidaasi oo kale ururkii Taalibaan ay awood badan ku lahaan jireyn marsii horeysay.

Hadaba muuqbaahiyaan ayaa marar dhowr ah kusoo celceliyay in Trump uusan asal ahaan u dhalanin dalkaasi Maraykanka laakiin uu kasoo jeedo dalkaasi pakistaan, iyaga oo waliba sheegaya in ay hayaan cadeymo muujinaya in uu u dhashay Pakistaan.

Dawood wuxuu Qur’aanka ku bartay madrasa (Dugsi Qur’aan) oo ku yiil waqooyiga Waziristaan, waana inta uusan aabihii ku geeriyoon shil gaari sanadkii 1954-tii, waa sida laga soo xigtay Neo News. Waxay kaloo warbixinta sheegaysaa in Captan xaga maraakiibta ah uu soo kaxeystay Dawood(Trump) isla markaana uu geeyay London, wuxuuna Dawood kamid noqday reerkii isaga gacanta ku hayay oo Reer Trump ahaa.

Muuqbaahiya Neo ayaa dhawaanihii ugu danbeeyay baraha bulshada kusoo bandhigayay muuqaal sawir ah oo ayku sheegeyn in uu yahay Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Laakiin arrinta xiisaha leh ee warbixinta xinbaarsan tahay ayaa ah, In muuqbaahiyahaasi uu codsi u gudbiyay madaxweyne Trump, midaasi oo loga codsanayo in uu soo bandhigo shahaadada ama aqoonsiga dhalashadiisa isla markaana uu diyaar u noqdo in laga qaado DNA, midaasi oo muujin doonta in asalkiisu uu kasoo jeedo dalkaasi Pakistaan.

 

Donald Trump dhankiisa ayaa arrintaasi horay ugu hadlay isaga oo markii uu arkay sida warbaahinta iyo baraha bulshadda la isla dhaxmarayo ugu carooday, wuxuuna soo bandhigay aqoonsigiisa dhalashadda midaasi uu ku andacoonayo in uusan ku dhalan Pakistaan ee uu ku dhashay New York taariikhdu markii ay aheyd June 14, 1946-dii

Aqoonsiga dhalashada e Donald Trump uu soo bandhigay 2013-kii
Aqoonsiga dhalashada e Donald Trump uu soo bandhigay 2013-kii

Ugudanbeyntii arrimaha nuucaan ah ayaan ku cusbeyn siyaasada Maraykanka, waxay aheyd sideed sanno kahor markii madaxweynaha hada xilkiisa uu sii dhamaanayo Barak Obama la sheegay in uusan ku dhalan dalka Maraykanka, halka madaxweynaha hada la doortay Trump sanadkii 2012-dii uu Obama ku sheegay in Shahaadada dhalashada uu haysto ay tahay mid la been abuuray.

 

Xigasho: The times UK

(Visited 316 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..