Facebook-ga oo dhawaanahaan hawada ka saara Boggoga ay leeyihiin Reer Falastiin

Facebook-ga oo dhawaanahaan hawada ka saara Boggoga ay leeyihiin Reer Falastiin

Shirkadda Facebook-ga ayaa waxaa ay hawada ka saartay bogag badan oo ay leeyihiin dad falastiiniyiin ahaa, halka labba Page oo kuwaasi ka mid ah dhamaantood la masaxay gabi ahaanba.

Isbuucii ina soo dhaafay Bog lagu magacaabi jiray Palestinian Information Centre (PIC) kaasi oo ku bixi jiray afka Carabiga ayaa shirkadda Facebook-ga xayiraad saartay, halka seddax kalena si kumeel gaar ah loo xayiray, hadaba PIC oo ahaa bog ay ku xiran yihiin dad aad u badan oo gaaraya ilaa iyo labba milyan ayaa hawada laga saaray.

Sida la sheegayo markii lala xiriiray facebook-ga waxay dhaheyn ” Akoonkii aad ku lahaydeyn Facebook-ga waxaa la xiray gabi ahaanba, kadib markii aad kasoo bixi wayseyn shuruuxda u dagan shirkadda, mana idin fasixi doona wax walibaa oo dhacaa”.

Laakiin ninka ka madaxda ahaa Page-kaa Yahya Abu Hassan ayaa sheegay in aysan marnaba ka bixin shuruucda u dagan facebook-ga, laakiin ay Israa’iil ka dalbatay facebook-ga in ay guud ahaan masaxdo page-kooda.

Bishii ina dhaaftay shirkadda Facebook-ga waxay masaxday boggag badab oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta, waxaa kuwaasi ka mid ahaa Shehab News Agency, midkaasi oo 6.3 milyan oo Like ah haystay, halka Quds News Network isagana uu haystay 5.1 milyan oo  like ah, iyadoo labadaan page ay ahaayeen kuwa dadka usoo tabiya waxa ka dhaca Falastiin gudaheed si toos ah ama warar muuqaalo ku salaysan soo xigta.

Bishii ina soo dhaafatay ayaa guddi ka socda shirkadda Facebook-ga waxay la kulmeyn wasiirka cadaaladda Israa’iil Ayelet Shaked iyo Wasiirka amniga Gilad Erdan iyagoo kawada hadlay sidii looga hortagi lahaaa dhamaan waxyaabaha kasoo horjeeda jiritaanka reer Israa’iil, halka Saxaafadda Israa’iil ay sheegayn in labada dhinac ay samaysteen labba guddi oo mar walibaa isha ku haya wax yaabaha lagu baahiyo facebook-ga ee kasoo horjeeda Israa’iil

Xigasho: Al-Jaziira

(Visited 397 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..