Casharkii 3-aad: Saxaafadda Dabagalka Iyo Baaritaanka ku dhisan

Casharkii 3-aad: Saxaafadda Dabagalka Iyo Baaritaanka ku dhisan

Inkastoo fekradda qayb gaar ah oo ka mid ah saxaafadda lagu magacaabo “ Saxaafadda dabagalka” Investigative journalism  ay caan ka yihiin dalalka Yurub, Maraykanka, iyo meelo kale, gaar ahaan wixii ka danbeeyay 1970-naadkii, waa eray aan sugneyn ama aan wanaagsaneyn.

Dadka badankii markii ay maqlaan wax ku saabsan “Saxaafadda dabagalka” waxaa maskaxdooda kusoo dhacaya Kaamirooyin,maykrafoono si qarsoodi wax loogu duubayo, iyo dad qarsoon oo aanan u muuqan in ay howlahaasi ku jiraan, laakiin waxaa dhab ah in howshaasi qeyb yar oo kamid ah in ay tahay howsha suxufiyiinta, si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jirin in Saxaafadda ay tahay dabagal iyo Baaritaan.

Sidee ayaan u rumeysan karnaa in sheeko kastaa ay sugan tahay oo ay dhab taha?.  ilaa aynu sida ugu haboon baaritaan ugu sameyno. Saxaafadda ma ahan in ay soo bandhigto  eedeymaha  kadibna ay kadibna ay dib ugu beeniso wixii ay sheegtay in ay been aheyd guud ahaan, si taasi looga fogaado waxaa loo baahan yahay in aad mar walibaa hadaad Suxufi tahay aad soo uruuriso isla markaana soo bandhigto caddaymo iyo waxyaabo lagu xoojinayo waxa aad doonayso in aad ku xoojiso.

Inkastoo oo ay si cad u jiraan sheekooyin u baahan dadaal dheeraad ah oo ka badan heerkii caadiga ahaa, oo laga yaabo in ay u baahan yihiin waqti iyo muddo dheer.

Dhanka kale Dadka ugub dhexaadka u ah sheekooyinkaas ayaa laga yaabaa in ay diidaan oo aanayba dooneyn in ay kaala hadlaan guud ahan waxa dhabta ah, waxaa laga ayaabaa in qofkaasi uu ku lug leeyahay danbiyo ama qaladaad dhacay, ama waxa laga yaabaa in ay danaynayaan in ay qariyaan waxyabo xaqiiqo ah ama sirgaxan oo halis keeni kara.

Sidee baynu u xaqiijin karnaa in warku uu yahay mid dhab ah, oo dhamaystiran, ilaa aynu si dhab ah baaritaanka ugu samayno?

Hadii aad tahay Wariye{Suxufi} doonaya in uu helo runta, waxaad u baahan tahay in aad leedahay go’aan qaadasho adag, damiir fiican leh, isla markaana dulqaad dheeri leh, una samri karaa dhibaatada kala soo gudboonaan karta xaqiiqo raadintaasi, waxaana laf ahaantaada geli kartaa khatar weyn, si aad halistaasi ugu difaacdo naftaada, sharaftaada iyo ilahaaga aad warka kazoo xigatay, waa in aad ahaato xirfad yahan dhab ah.

Waxaan mar walibaa kuugula tallin lahaa in aad iska sheegto in aad tahay Suxufi wardoon ah laakiin meeshii ku haboon oo kaliya, in aad dadka been u sheegto si aad war ugu hesho waa dhif iyo nadir in cudur daar loo helo arrinka aad ku kacday ee beenta ah, waxay ku gelin kartaa dhib badan iyo meel halis ah.

Hadii ay jiraan xaalado aad warka ku heli karto oo kaliya adigoo shaqadaada iyo magacaaga qarinaya, waa in  warkaasi  dan wayni ugu jirto dadweynaha, laakiin howshaasi waxaad qaban kartaa marka aad taageero buuxda ka haysato xaruntaada/Wargeyskaaga/ iyo tafaftiraaga shaqadda.

Hadii aad jidkaasi warka aad ku heshay, waa inaad ugu danbeyntii aad daaha ka qaado oo aad sheegto waxaad ugu dan laheyd iyo bartilmaameedkaaga, isla markaana waa in aad fursad u siiso in laga faaloodo khabar kastaa oo aad heshay.

Qaabkaasi qarsoodiga ah waxay dhacaan marar dhif ah.Guud ahaan waxaa suurtagal ah in aad war ku heshid, oo xitaa aad war xasaasi ah aad ku hesho, adigoo u maraya jidad ama waddooyin toos ah oo sharci ah oo aan qarsoodi ahayn.

Khasaaraha ugu horeeya ee dagaalka waa runta

Waa maxay ilaha warku? Kaba soo qaad in aynu baaritaanka iyo dabagalka guud ahaan ugu talagalay in aynu daboolka kaga qaadno ama ku kashifno dembi, qalad la galay ama howlkarnimo la’aan ay sameeyeen siyaasiyiin,saraakiil,ganacsato, ama qof kastaa oo leh awood iyo jago, xasuusnoow mar walibaa in howlaha ay qabtaan shaksiyaad-ka mas’uulka ama hay’adaha ay leeyihiin raad, sida dekomentiyo, saaxiibo iy caddow.

Guulaha badan ee laga gaaro saxaafada dabagalka ah ma aheyn kuwa iska yimid oo si sahlan lagu gaaray, waxaa ay sheekooyinka kasoo bixi karaan saaxiib caraysan ama qof lid ku ah oo lasoo xariiraya xarunta warbaahinta ama adiga wariyaha si gaar ah. Waxaa sidaasi oo kale jira arrimo ay keenaan ama kasoo baxa dad shaqaale ah oo u tagaya xarunta warbaahinta in ay daboolka ka qaadaan danbi uu galay qof mas’uul ah.

Tusaale: Qofkaan kuu yimid waxaa uu ka shaqeeyaa shirkad weyn, waxaa uu danbi kusoo oogay madaxii shirkadaasi oo uu ku eedeeyay in uu macaamiisha khiyaameeyo, hadaba marka ay arintu sidaasi tahay waa in aadan warka aadan ka rumeysan qoraalo ama hadal la iska yiri, ee waa inaad si ku dhiirasho leh aad qofkaasi ugu codsataa in uu kusoo daro dokomenti cadaymo ah oo aad u baahnaan doonto in aad kiiskaasi ku cadeyso.

Ogsoonoow hadii aad  tahay Wariye[Suxufi] waxaad kuu haboon in aad dabal ku sameyso warar banaanka yaal oo aad ka heli karto meel kastaa, dowladaha iyo shirkadaha waxay hayaan dekomentiyo iyo qoraalo, haddii hoos loo eego oo lasii dhuuxo ay kasoo bixi karaan waxyaabo is khilaafsan oo muujinaya in aysan is laheyn hadalada ay soo saareyn iyo howsha ay qabtaan guud ahaanba.Marka kuwaasi ayaa loolan lagula sameyn karaa in ay sharaxaan.

Hadaba ugu danbeyntii aan soo koobno, waxaa haboon in aad xasuusnaato in markaad bilaabayso baaritaan ama dabagal la sameynayo, waxaa soo bixi kara waxyaabo ama ilo kale oo hor leh.

Waa sawir kamid ahaa dadkii tacadiga loogu geystay xabsiga Abuu Qariib ee Ciraaq
Waa sawir kamid ahaa dadkii tacadiga loogu geystay xabsiga Abuu Qariib ee Ciraaq

Tusaale 1-aad: Fadeexadii Xabsigii Maraykanka uu ku lahaa Ciraaq Abuu Qariib, waxaa la helay hal muuqaal oo qof six un tacadi iyo xadgudub loogu gaystay,  markii la arkay in warkii uu soo banana baxay waxaa ay dad kale ku dhiiradayn in ay iyagana soo bandhigaan muuqaalo kale oo horay loo qarinayay, waxayna fadeexadaani noqotay mid ay aad u daneeyaan isla markaana ay layaab ku noqotay shucuubaha kala duwan ee caalamka ku nool..

Tusaalaha 2-aad: Eeg fadeexadii caanka noqotay ee aheyd Watergate kaasi oo ay baaritaan ku samaysay

Xigasho Washinton Post: Waa muuqaalo kamid ahaa wargeyskii xiligaasi dabagalka ku sameeyay fadeexadii Watergate.
Xigasho Washinton Post: Waa muuqaalo kamid ahaa wargeyskii xiligaasi dabagalka ku sameeyay fadeexadii Waterlahagate.

wargeys-ka Washington Post, waxay ku bilaabatay warbixin ay kaga hadashay tuugnimo u muuqatay wax sahal ah, waxayna ku dhamaatay heer uu is casilay madaxweynihii Maraykanka ee berigaasi Richard Nixon.

Tusaalaha 3-aad: Waa barnaamijkii uu sameeyay wariyaha u dhashay dalkaasi Masar Yusri Fuuda oo uu ku dabagalay dhacdadii 11 September 2001-dii, barnaamijkaani baaritaankiisa waxaa wariyaha uu ku helay xog badan, inkastoo isaga laf ahaantiisa uu halis badan galiyay, waxaa sidaasi oo kale ka baxay qarash aad u badan midkaasi oo kaga baxay safarkiisa, iyo lacag uu ku bixiyay sida uu cadeymo u heli lahaa ama loogu gayn lahaa raggii howsha madaxda u ahaa.

Wariye Yusri Fuuda
Wariye Yusri Fuuda

Hadaba waxaa dhici karta in aad garab aad warka ka heshay aad heshiis kula gasho qaabka iyo nidaamka aad xogtaasi u gudbin laheyd ama aad ugu soo bandhigi laheyd shacabka, iyadoo waliba heshiisku yahay hadii aad kabaxdo in lagu waayi doono adiga oo dhan, waa sida aad ka dheehan karto barnaamijkaani. Daah Furkii sirtii ka danbeysay Weerarkii 11 September 2001-dii Q.1-aad iyo Q.2-aad.

Tusaalaha 4-aad: Sidaan la soconay warbaahinta dalkeena ka jirtay xiligii maxaakiimta iyo Dowladii xiligaasi oo ay garab weyn ka helaysay Ethiopia, waxay saxaafadda soomaaliya aheyd mid afkeeda uu aad u gaaban yahay, waloow ay inbadan ay xog-ogaal badan u ahaayeen waxa dalka gudihiisa ka jiray ama ka socdayba, laakiin uma aysan babac dhigi karin tacadiyada dhacayay oo ay geesanayeen dhinac ama labada dhinacba.

Wariye Aidan Hartley oo ahaa wariye barnaamij qarsoodi ah iyo mid muuqda ka sameeyay Soomaaliya
Wariye Aidan Hartley.

Mid kamid ahaa suxufiyiinta u dhashay dalkaasi Britain oo lagu magacaabo Aidan Hartley ayaa wuxuu sameeyay barnaamij markaad mugiisa ama heerkiisa aad si qoto dheer ah u fiiriso in uu ahaa bohol iska tuuris halis ahaa, wuxuu la kulmay Madaxdii maxaakiimta oo markaasi ay ku milmeyn ama ay ku dhax jireyn garab la baxay Al-Shabaab, wuxuu wariyaha sheegay in isaga laf ahaatiisa la isku dayay in la qaarijiyo.

Dhanka kale  wuxuu si qarsoodi ah kaamirad ula galay waxa loogu yeero safaarada Ethiopia oo ah meel aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuu u tagay madaxdii dowladdii xiligaasi jirtay oo safaf dhaadheer ugu jira sida ay ula kulmi laahyeen Gabre, wuxuu si qarsdoodi ah ugu duubay waraysi gaaban. Laakiin waxaa xaqiiqo ah hadii halka uu Aidan Hartley uu ka tagay uu wariye Soomaaliyeed tagi lahaa isaga guud ahaan la waayi lahaa, maxaa yeelay sababo jiray darteed. Aidan Hartley ayaa waxaa uu barnaamijkaasi kusoo tabiyay Unreported World in Somalia

Ogoow baaritaanadda nuucaasi ah waa kuwa ugu dhibka badan ee halis galin karaa noloshaada guud ahaanba, Waxaase haboon in aad mar walibaa ka fogaato shaqadda dabagalka ah, Maxaa yeelay Suxufiga mar walibaa dhinacyadda is haysta uma arkaan qof caadi ah oo waxay u arkaan basaas iyaga war ka qaadayaa.

Layli
Qof aanan dooneyn in magaciisa la sheego ayaa saxaafadda siisay nuqul kamid ah dokomenti la xiriira waxyaabihii lagaga wada hadlay shir dhexmaray shirkad wax soo dajisa-ama dhoofisaba. Dokomentiga waxaa uu sheegayaa in  diyaarado xamuul ah ay kasoo dageyn Garoonka, heshiiskana wuxuu qeexayaa in ay garoonka kasoo dageyn qalab beeraha loogu tala galay, laakiin qorshuhu aheyd in diyaarada ay siday Hub laga keenay Midowgii Soofiyeet, Hadaba sidee ayaad su’aalo igu waydiin laheyd cida ay qusayso? Sidee ayaad sheekadaasi u gali laheyd? Sidee ayaad u hubin laheyd warkaasi?

Qeybaha kale : | Muxuu qabtaa Suxufiga? | Halkee ayuu suxufiga ka shaqeeyaa |

Hordhac News
Radio Buulo Xuubeey

(Visited 302 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..