DEG DEG: DOWLADDA SACUUDIGA OO SHEEGTAY NINKA IS QARXIYAY DHALASHADIISA IN AY AHEYD PAKISTAAN

DEG DEG: DOWLADDA SACUUDIGA OO SHEEGTAY NINKA IS QARXIYAY DHALASHADIISA IN AY AHEYD PAKISTAAN

Warar hada ina soo gaaraya ayaa sheegaya in dowladda sacuudiga ay xaqiijisay ninkii isku qarxiyay Masjidkii Nabiga SCW in uu u dhashay dalka Pakistaan.

Ninkaani ayaa la sheegayaa in uu dalkaasi Sacuudiga ku noolaa mudo 12 sanno, waxaana ilaa iyo hada socota baaritaano dheeri ah oo lagu xaqiijinayo ninkaasi cida howlahaasi kala shaqeyneysay iyo ujeedka ay u socdeyn, inkastoo dowlladda sacuudiga ay ka gaabsatay in dadkaasi ay ujeedkooda ahaa in ay isku qarxiyaan gudaha masjidka iyo inkale.

Waa sawirka ninka isku qarxiyay meel u dhaw masjidka Nabiga SCW

Waxaa dhawaanahaan dalka Sacuudiga kusoo badanay dad aaminsan fikrado qaldan oo xitaa ka sii dheereeya Ururka Daacish, kuwaasi oo aaminsan in Dadka adduunka ku nool dhamaantood ay yihiin gaalo,.

INSHAA ALLAAH WIXII WARAR AH EE KUSOO KORDHAA HALKAAN KALA SOCO INSHAA ALLAAH

(Visited 1,189 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..