Duco Waalid Ayaa Dhuran karaa?!! Haka Habaarsan Waalidkaaga walaal

Burburkii dowladdii Soomaaliya kadib waxaa dalka ku habsaday dhibaato aan kala go’ laheyn taasi oo ay sabab u tahay sida ay u kala fogaadeyn Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha kuna walaaloobay Diinta,dhaqanka, iyo midnimadda, inkastoo burburkii dowladaasi laga dhaxlay oo kale in dhallintii Soomalaiyeed ay ku harqamaan Badaha Yaman iyo kuwa Mediterranean-ka.

Hadaba dhacdadii ugu danbeysay ee gilgishay wadnaha umadda soomalaiyeed, iyo guud ahaanba caalamka Islaamka ayaa aheyd markii ay badaha u dhaxeeya masar Iyo liibiya ay ku harqameyn dhalinyaro baddan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo inta ka samata baxay aheeyeen kuwa kooban.

Ugu danbeyntii waxaa soo baxay dareemo kala duwan ay ka bixiyeen dhalinyaradda soomaaliyeed kuwaasi oo ka dhiidhiyay isla markaana aad ugu soo horjeestay tahriibka dhalinyaradda ummadda Soomalaiyeed.

(Visited 190 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..