Warbixin: Sida loo silciyo kuwa tahriibayaalka ah, Dalalka Liibiya,Gariiga Iyo Turkiga

Warbixin: Sida loo silciyo kuwa tahriibayaalka ah, Dalalka Liibiya,Gariiga Iyo Turkiga

Lugta koowaad ee safarka dadka tahriiba waxaa ay ku saleysan yahay xaga dhulka, si ay usoo gaaraan Dalka Liibiya iyaga oo ka soo safraya dalal kale oo qaarada Afrika kamid ah, waa safar dheer oo qarash badan ku baxa, ugu yaraan qarashkaasi ayaa ah $5,000 ilaa iyo $8,500 Oo dooler.

Qarashka dadka tahriibaya ma ahan mid aad u yar, wali waxaa u dhiman qarash kaloo  looga gudbo bada Miderian-ka , qarashkaasi ugu yaraan waa $1,000 ilaa iyo $1,500 oo Doller, laakiin maskaxda ku haayoo qarashkaasi waa dadka doonaya oo kaliya Roma ama Milan iyo Sicily.

Wadamada ugu tahriibka badan

Safarka xaga lugta ah Roma ama Milan iyo Sicily kuma gaabsadaan dadka tahriiba ee waxay sii wadaan safar kale oo si sharci daro ah,waxay bixiyaan lacag 200 ilaa iyo 400 oo Uero ah iyaga oo raacaya gawaari yar yar, babauurta loo yaqaan Coach ama Tareen, safarkaani ayaa ah midkii ugu danbeeyay ee safrkooda lugta ah oo ay ku go,aansan lahaayeen wadankii ay tagi lahaayeen gaar ahaan waqooyiga Yurub ah.

Qarashka safarka ugu danbeeya ee tahriibayaalka ah waa 500 ilaa iyo1,500 oo Uero dadkaani ayaa badankooda ku hamiya in ay galaan wadanka Germany  Iyo Switzarland, halka Sweden iyo Norway aydadkaani ku qarash garayso lacag intaasi kabadan.

Yurub waan galayaa ama waan dhimanayaa wax kale ma jiraan.
Axmed Yuusuf oo kamid ah soomaalida tahtiibka u joogta Liibiya ayaa sidaasi Yiri.

Arrinta ugu dhibka badan ee dadka tahriibayaalka haysta waa iyaga oo Lacagta si horumaris ah u dhiiba safar walibaa oolugta kamid ah,qarashka la dhiibayo waxaa lagu bixinayaa Kaash iyo is aaminaad aan meel dheer jirin.

Intaasi kuma ega safarka qaarkii, kuwa tahriiba ayaa isku sii daya in ay usii gudbaan wadanka faransiis-ka iyaa oo doonaya in ay u gudbaan wadanka Jaziirada ku yaal ee UK, waxaa maskaxdooda ka guuxaya in ay heli doonaan lacagta geniga ah (Pound) iyaga xisaabta si riyo ah isugu darsada in ay dabaqyo ka dhisan doonaan dalalkooda.

Masahlana Sheekada. Waxaa hortooda jooga rag  iyo qalab casri ah oo sheegaya  gawaarida ay kusoo dhuuntan dadkaasi, aan kuugu daree waxaa sidaasi oo kale jooga Eeyo loo tababaray in ay sheegaan dadka tahriibta ah ee Baabuurta xamuulka gadaal kasoo gala.

UKBORDER waa Laanta socdaalka dalka Britain, waxaa ay dhawaa aad u adkeeyeen xuduuda Ingiriiska iyaga oo ka ilaalinaya dadka Tahriibta ah.waxay faro iyo sawir ka qaadaan qofka ay qabtaan sidaasina waxaa FASHIL KU DHAMAADA safarkii qofka tahriibka ah ee farahiisa aan laga soo qaadin wadamo badan Oo Yurub ah laakiin Lugta safarkiisa ku fashilmay UK.


Halkee ayeey dadkaani Soomaraan marka ay Tahriibayaan? Maxaase dhib ah ay kala kulmaan Safarkaasi dheer?

Dariiqa: Xeebaxa Waqooyiga Afrika
Safarka Dhamaadkiisa: Canary Islands
Wadamada lasii marayo: Liberia, Sierra Leone, Guinea, Guinea-Bissau, Senegal, Gambia, Mauritania Iyo  dhanka saxaraha

Waa qaabka iyo Nidaamka kuwa tahriiba isaga kala gooshaan Qaarada Afrika

Galbeedka xiga  ilaa laga gaaro dhanka xeebta ee waqooyiga Marooko
Khatarta: Waa bada Carary oo laga gudbayo
Waa kuma: Dhamaan dadka ku waxyeelooba waa wadamada aan kor kusoo xusnay

Dariiqa: Saxaraha Galbeed
Safarka Dhamaadkiisa: Canary Islands
Wadamada lasii marayo: Mali, Mauritania, Iyo  dhanka saxaraha Galbeedka xiga  ilaa laga gaaro dhanka xeebta ee waqooyiga Marooko
Khatarta: Ka gudbida Saxaraha Iyo Jabhado wadada dadka u gala.
Waa kuma: Kuwa ugu badan ee tahriiba waxay ka yimadaan Ivory Coast, Ghana, Burkina Faso, Togo Iyo Benin

Dariiqa: Bartamaha Saxaraha Afrika
Safarka Dhamaadkiisa: Canary Islands, Spain, Iyo  Talyaaniga.
Wadamada lasii marayo: Niger, Waqooyiga Mauritania, Galbeedka Saxaraha ama Galbeedka Marooko; Waqooyiga Marooko; Tunisia ama Libya
Khatarta: Ka gudbida dhulka lama dageenka ah iyo bada
Waa kuma: Dadka ugu badan ee tahriiba waxay ka yimaadaan waddamada Koonfurta Niger, Iyaga oo sii mara  Cameroon iyo Nigeria

Dariiqa: Galbeedka Saxaraha
Safarka Dhamaadkiisa: Lampedusa, Sicily, Iyo  Malta
Wadamada lasii marayo: Tunisia Iyo Libya
Khatarta: Dhulka saxaraha ah iyo ka gudbida badda
Waa kuma: Kuwa ugu badan ee tahriiba waa wadamada Saxaraha Afrika ka hooseeya.

Dariiqa: Geeska Afrika ilaa iyo Liibiya
Safarka Dhamaadkiisa: Lampedusa, Sicily, Iyo Malta
Wadamada lasii marayo: Sudan Iyo Ethiopia
Khatarta: Dhulka Saxaraha ah iyo ka gudbida badda
Waa kuma: Kuwa ugu badan ee dadkaasi tahriiba waa Soomaali, Itoobiyaan, Irateeriyaan.

 Yurub Ama Dhimasho.

Xigasho: Hordhac News Agency.

Hordhac News Hogaanka Warara Iyo Barnaamijyadda

(Visited 382 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..