2,800 oo Dad Qaxooti ku ahaa Dalka Austria ayaa Dib loo celiyay Maanta oo Arbaca aheyd

2,800 oo Dad Qaxooti ku ahaa Dalka Austria ayaa Dib loo celiyay Maanta oo Arbaca aheyd

Ku dhawaad 2,800 oo dadka Nabad gelyo doonka ah ee ku noola dalka Austria ayaa bilaabay in ay ogolaadaan dib ugu laabashada dalalkooda, kadib markii dalabkoodii ahaa in ay qaxootinimo ugu noolaadaan dalka Austria uu fashil ku dhamaaday ama laga aqbali waayay waraaqaha aqoonsiga qaxootinimadda.

Sanadkii hore ee 2015-kii waxaa la sheegay dad gaaraya 8,365 qafood laga aqbali waayay codsiyadoodii ahaa in ay yihiin dad qaxooti ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalalkoodii hooyo.

Bilihii ugu danbeeyay dowladda Austria waxaa ay ku dhiira gelinaysay dadka qaxootiga ah ee dalkeeda ku nool in ay si iskood ah u ogolaadaan in ay dalkooda ku laabtaan, qorshahaani ayeey dowladda Austria waxaa ay ku masaafurinaysaa dad gaaraya 50,000 oo dadka nabad gelyo doonka ah, iyadoo howshaasi lasoo afjari doono sanadka 2019-ka.

Qofka doonaya in uu isaga baxo dalkaasi Austria si iskiis ah seddax bilood gudahood, waxaa uu helo doonaa lacag

Waa Qaxooti ku nool Dalka Austria oo seexda moolo dukaamo hortood ah, isla markaana heysan nolol qurux badan

gaaraysa €500, midaasi oo u dhiganta $565. kuwa iyagana kaga baxaya dalkaasi muddo lix biloodna waxaa lasiin doonaa lacag gaaraysa €250 taasi oo u dhiganta $283. hadiise ay lixbilood ka badan sii joogaana waxaa ay heli doonaan lacag gaaraysa €50 taasi oo u dhiganta $57.

Warbixin lasoo saaray isbuucaani ayaa tibaaxaysa in 890 qafood si xoog ah looga saaray dalkaasi Austria, halka 1,896 ay si iskood ah u ogolaadeyn in ay isaga tagaan dalkaasi, halka kuwa laga dhaadhicayay isla markaana ku qancay in ay isaga laabtaan dalalkooda ayaa ah 623 oo Ciraaqiyiin ah, 278 oo Iiraan ah, iyo 273 oo ka yimid Afgaanistaan.

Madaha ugusareeya Hay’adda Fedraalka ee qaabilsan Qaxootiga dalkaasi Austria (BFA) ninkaasi oo lagu magacaabo Wolfgang Taucher ayaa sheegay in dadkaasi qaxootiga ah aysan ku faraxsaneyn nolosha foosha xun ee ku haysata xeryaha qaxootiga dalkaasi isla markaana ay ka wanaagsanaan laheyd in ay dalalkooda isaga laabtaan.

Ugudanbeyntii BFA ayaa waxaa ay qorsheynaysaa in ay ka dhaadhiciso dib u laabashada dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda dalalka Afgaanistaan, Naajeeriya, iyo Marooko.

Hordhac News Agency

(Visited 520 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..