Masar oo noqotay goob lagula baxao Unugyadda Bini’aadamka, si loogu ganacsado

Masar oo noqotay goob lagula baxao Unugyadda Bini’aadamka, si loogu ganacsado

Dalka Masar oo ah dal ku yaala Qaarada Afrika, isla markaana kamid ah Jaamacadda carabta ayaa sanadihii ugu danbeeyay noqday waddamada kaalinta kowaad kaga jira ka ganacsiga unugyadda jirka bini’aadamka, iayadoo dowladda Masar aysan awood buuxda u laheyn halka dhibaatada loogu geysanayo dadka Qaxootiga ah ee doonaya in ay galaan dalka Falastiin ee Maanta ay xooga ku haystaan Israa’iil.

Dhawaan ayeey aheyd markii muuqbaahiye kamid ah kuwada Soomalida uu soo bandhigay Hooyo iyo Caruur iyo waliba nin rag ah oo ay ka muuqdeen qaliimo halis ah, kuwaasi oo kiciyay laabaha bulshadda Soomaliyeed eeku dhaqan gudaha iyo dibaddaba.

Hadaba Dabagal dheeri ah oo aan ku sameynay Wararkaasi ayaa waxaan ku ogaanay in dhibaatada xoogan loo geysto dadka qaxootiga ah ee ka yimaada Ereteria, Suudaan iyo Ethiopia kuwaasi oo doonaya in ay galaan Israa’iil.

Waxaa jira labba deegaan oo ka tirsan Masar ayaa waxaa dhibaato xoogan loogu geystaa dadkaasi qaxootiga ah, kuwaasi oo Soomaalida ay kamid yihiin in dhibka loogu geysto laakiinse aysan u badneyn,inkastoo ka ganacsiga unugyadda jirka bini’aadamka aysan ku ekeyn Qaxootiga, ee dadka u dhashay dalkaasi Masar iyagana ay qeyb ka yihiin oo dhibaato xoogan loogu geysto.

Hadaba waxaa jira dalal dhowr ah oo ku caan ah ka ganacsiga unugyadda Bini’aadamka si suuqyo madoow ah, oo qof wadada iska socda loo afduubto isla markaana lagala baxo unugyadda ugu muhiimsan jidhkiisa, sida beerka, kilyaha, iyo sanbabaha.

Waa dad gaaraya 40 qafood oo meel la isugu keenay kuwaasi oo meel beer ka shaqeynayay

Dalka Philippine waxaa dhaqan ka ah in ay dadka ay kulyahooda iibsadaan iyada oo aysan dowlada dalkaasi aysan ka warqabin guud ahaan, waxaase 10-kii qof ee meel fadhiyaba aad arkaysaa in ay kilyahooda iibsadeen , kuwaasi oo ku andacoonaya in ay kaga baxayaan faqriga, inkastoo dowladda Philippine ay mar walibaa daba gasho dhaqaatiirta howlahaasi ku kaalmaysa dadkaani.>

Hadaba sidaasi oo kale waxaa kaalmaha ugu waa weyn ku jira Shiinaha, oo ah dalalka dadka unugyadooda lagu iibiyo si suuqyo madoow ah, waxaa sidaasi oo kale kaalmahaasi ku jira Hindiya iyo Pakistaan, iyo Turkiga.

Hadaba baaritaano dheeri ah oo aan sameynay ayaan waxaa ku ogaanay in suuqyadda madoow ee dunidda lagu kala iibsado kilyaha iyo beerka lacago aad u badan, iyadoo dadka kilyahaasi iska iibinaya iyaga oo doonaya in laga iibiyo hal Killi. Hadaba halka hoose ka fiir Liiska dalalkaasi

WaddankaLagu talaalaa gudaha dalkaUnugaQiimaha LacagtaXigasho
TurkeyIraq/IndiaKeliddaUSD 20.000Erikoglu
EgyptChinaBeerkaUSD 40 000-USD 75 000Abdeldayem
PakistanPakistanKeliddaUSD 7 300Rizvi
Pakistan Dibada ka yimidPakistanKeliddaUSD 25,000Rizvi
TurkeyEgyptKeliddaUSD 35 000-USD 40 000Yakupaglu
KoreaChinaKeliddaUSD 42 000Know
KoreaChinaBeerkaUSD 63,000Know
IsraelS.AfricaKeliddaUSD 100 000-USD 120 000Netcare case
USAUSAKeliddaUSD 120 000 - USD 160 000Rosenbaum case
Germany/IsraelKosovoKeliddaUSD 108,000Medicus Case

Sidaasi oo kale halka hoose ka daalaco liiska dadka kilyaha iyo beerka iska iibiya iyo sida ay ugu macaashaan dadka kilyahaasi

Nuucyadda IibkaWaddankaLacagta
Dulaalka KillidaPhilippines$1,000 to $1,500
Dulaalka KillidaYemen$60,000
Killi IibsadahaGudaha Shiinaha$47,500
Killi IibsadahaGuadaha Masar$20,000
Killi IibsadahaGudaha Israa'iil$125,000 to $135,000
Killi IibsadahaGudaha Moldova$100,000 to $250,000
Killi IibsadahaGudaha Singapore$300,000
Killi Iibsadahain South Africa$200,000
Killi Iibsadahain Thailand$10,000
Killi Iibsadahain United States$120,000
Killi Iibsadahain Saudi Arabia$16,000
Iska Iibiyaha Killidain Bangladesh$2,500
Iska Iibiyaha KillidaChina$15,000
Iska Iibiyaha Killidain Costa Rica$20,000
Iska Iibiyaha Killidain Egypt$2,000
Iska Iibiyaha Killidain India$1,000
Iska Iibiyaha Killidain Israel$10,000
Iska Iibiyaha Killidain Kenya$650
Iska Iibiyaha Killidain Moldova$2,500 to $3,000
Iska Iibiyaha Killidain Pakistan$10,000
Iska Iibiyaha Killidain Peru$5,000
Iska Iibiyaha Killidain Romania$2,700
Iska Iibiyaha Killidain Thailand$3,000 to $5,000
Iska Iibiyaha Killidain the Philippines$2,000 to $10,000
Iska Iibiyaha Killidain Turkey$10,000
Iska Iibiyaha Killidain Ukraine$200,000
Iska Iibiyaha Killidain Vietnam$2,410
Iska Iibiyaha Killidain Yemen$5,000
Isku Talaalka KilyahaChina $15,200
Isku Talaalka KilyahaEurope $32,000
Beer Iibsadahain China$21,900
Beer iska Iibiyahain China$3,660
Sambab IibiyahaEurope Gorgortan$312,650

Dhanka kale waxaa Shabakadda Hordhac ay baaritaano dheeri ah ay ku sameysay dad badan oo Soomaliyeed oo ku andacoonaya in sawirada dadka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo bandhigay Muuqbaahiye kamid ah TV-yadda Soomaaliyeed in aan lagala bixin unugyadooda, laakiin waxaa xaqiiq ah in dadkaasi lagala baxay dhamaan wixii unugyo muhiim ahaa ee Jidhkooda ku jiray.

Waxaana taasi yusaale kugu filan dhamaan cadeymaha iyo sawirada laga hayo dalalka ku caanka ah la bixida unugyadda bini’aadamka, sida dalalka Pakistaan,Hindiya,Masar, iyo Israa’iil, Sanadkii ina soo dhaafay Ciidamda Meletariga dalkaasi pakistaan ayaa waxaa lagu helay in ay dadka ay xabsiga ku hayaan qarkood ay kala baxaan unugyadda jidhkooda. Halkaan ka dalaco warkaasi

 

Waddamadda ugu badan ee Dadka jindhkooda laga ganacsado

Hordhac News Agency
Xafiiska Dabagalka Wararka

(Visited 1,097 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..