Ma Ogtahay in Shirkadda Google-ka ay ku Basaasaan mar walibaa iyo Goor walibaa?

Ma Ogtahay in Shirkadda Google-ka ay ku Basaasaan mar walibaa iyo Goor walibaa?

Howl walibaa, warbixin kastaa, sawir walibaa ama dhaqdhaqaaq walibaa oo aad sameyso ma ogtahay in Google-ka ay ka warqabaan isla markaana ay keediyaan.

Inbadan oo inaga mid ah ayaa aqbalay(Ogolaaday) in laga warqabo howlaha iyo dhaq dhaqaaqyadooda ay sameeyaan maalin walibaa, xitaa ogolaaday in lala socodo qalab ay adeegsanayaan nuuca uu yahay.

Hadaba sidaan la socono shirkadda ugu weyn caalamka xaga Baariska Internet-ka (search engines) Google-ka ayaa waxaa ay galaangal xoogan u yeelatay sanadkii 2012-kii in ay hesho xog walibaa oo inagu saabsan,waxaase ugu daran oo xog badan laga hayaa dhamaan dadka wax ku xayeeysiista shirkadda Google-ka iyo waliba kuwa ka shaqeysta oo lacagta ka sameeya shirkadda Google-ka ee loo yaqaan google adsense.

Laakiin su’aasha ayaa ah mala socotaa xogta ay kaa hayaan shirkadda Google-ka?

Si aad wax badan ugu ogaato sida shirkadda Google-ka ugu warqabaan Da’da qofka, lab iyo dhidig wuxuu yahay, waxyaabaha aad xiiseyso, iyo waxa ugu badan ee aad jeceshay in aad Google-ka ama Internetka ka raadiso, sidaasi oo kale waxay ka warqabaan meel walibaa oo aad cagta dhigto, ku safarto gaari,Train, ama in aad lugeysaba meel walibaa oo aad dunidda ka joogto.

Hadaba waxaan ku tusi doonaa sida shirkadda Google-ka ay galaangal buuxa ama mid xadidan ugu leedahay mobile-kaaga ama Computerkaaga iyo waliba qalab walibaa oo aad adeegsato, waase hadii aad adiga u saamaxdo waxyaabaha qaarkood

Booqo Bogga aad ku leedahay Gmail-ka

Waxaad furtaa Browserka ama aalada aad ka galayso Internet-ka Sida Chroma-ka, Internet Expolerka,Mozilaha ama waxa lamidka ah, waxaad ku qortaa
https://myaccount.google.com/
Waxaad u baahan tahay in aad gelisaa cinwaankaaga aad ku leedahay google-ka, midkaasi oo kasoo muuqan doona halka sare ee dhanka midigtaada.

Dad badan oo inaga mid ah ayaa aaminsan in aysan laheyn akoon google-ka ah, laakiinse hadiiba aad leedahay Gmail, Hangouts, Drive ama Calendar – u adeegso taleefankaaga ama computerkaaga intaasiba waxaa leh Google-ka.

Qalab nuucee ah ayaan u adeegsadaa akoonkeyga?

Wax kabadan sanado waxaad akoonka Google-ka u adeegsataa Aaldo kala duwan oo computer ama taleefano ah, xitaa ku daroo Tablet-ka

Waxaad gujisaa (riixdaa) halka ay ku qoran tahay “Sign-in & security” Waxaad eegtaa halka hoose oo taabo “Device activity & notifications”., kolkaasi kadib waxay ku tusniyaan waxaad dhawaanahaan u adeegsatay mailkaaga oo aaladaha kala duwan, waxaad “Recently used devices”, halkaasi oo aad ku arki doonto waxaad adeegsatay oo Mobile ama Computer ama Tabletba ah.

Hadii aad ku aragto qalab aadan adeegsan dhawaantaan oo aad joojisay isticmaalkooda waxaad taabataa badhanka “Remove”

App Nuucee ah ayaa kugu xiraya Google-ka?

Sidaasi oo kale hadii aad doonayso in aad ogaato awooda ay Google-ka u leeyihin in ay soo galaan Telkaaga ama Computerkaaga waxaad ku ogaan kartaa adiga oo taabanaya  “Sign-in & security” kadibna waxaadhalka hoose ka eegaysaa “Connected apps & sites” kadibna guji oo riix “Manage apps” si aad u ogaato cida galaangalka xoogan ku leh gaar ahaan App-ka kugu xeraya Google-ka
Tusaale: Google Chrome-ka ee aad u adeegsato internetka shirkada Google waxay awood u leedahay in ay hesho wax walibaa oo aad ka raadiso internetka in ay helaan macluumaadka oo dhameystiran
Hadii aadan dhawaanahaan adeegsan app-kaasi kuu soo muuqan doona waxaad riixdaa “Romeve” Batanka.

Sidaasi oo kale eeg hadii Shirkadda Google-ka ay hayaan Password-kaaga, riix oo taabo “Romove”.

Fiiro Gaar ah: Shirkadda Google-ka markaad furayso wax walibaa oo Password la gelinayo waxay kuu soo bandhigayaan in aad ogoshahay in Passwordkaaga lagu keediyo Computerka ama Aalada aad adeegsanayso ee haka ogolaan oo Maya dheh.

Google-ka maxay kala socdaan waxaan ka baarayo Internet-ka

Hadii aad u baahan tahay in aad ogaato sida ay ula socdaan Google-ka waxaad ka baarayso internetka, dib ugu laabo Bogga (https://myaccount.google.com/) waxaad riixdaa “Personal info & privacy”.
Halka hoose sii eeg waxaadna riixdaa “Activity controls” kadibna riix “Your searches and browsing activity” kadibna sii riix “Manage activity”.

Halka ugu sareysa ee dhanka midig gudaha sanduuqa “Insights”  yar waxaad riixdaa falaadha “last week” kadibna dooro “all time”.Waxaad ogaan doonta sida ay google-ka u keediyeen waxaad ka baartay Internet-ka. Iyo Bogagga aad u badan tahay in aad booqato.

Sidee ayuu Google-ka ku ogaan karaa halkaan ku sugnaa?

Waxaa jira Barnaamijyo Badan oo App- ah oo shirkadda Google-ka ka saacida in ay helaan halka aad joogto mar walibaa

Hadaba hadii aad doonayso in aad ogaato sida Google-ka ugu warqabo dhaq dhaqaaqaaga waxaad tagdaa “Personal info & privacy kadibna waxaad taabataa halka ay ku qoran tahay “Places you go” kadibna taabo  “Manage activity”.
Kadib waxaad tagi doontaa Maap ay ku sawiran yihiin dhibco yar yar oo Guduud ah (Casaan ah) si aad u ogaato waxaad riixdaa mid kamid ah Casaankaasi. Waxaana durbaba kuu soo baxaysa sida aad u socotay maalintaasi iyo goobaha aad gaartay oo dhan.
Markaad taabato mid kamid ah dhibcaha casaanka aha waxaa kuu soo baxaysa sida aad maalintaasi oo dhan aad u safartay hadii ay ahaan laheyd mid Lug ah ama mid Gaari aad ku socotay xitaa Train ku dar.

Google-ka qof nuucee ah ayeey ii maleeyaan?

Google-ka waxaa ay keedinayaan waxaad gelisay markaad buuxinaysay foormkooda, sida in aad ku qorto da’daada, sidaasi darted waxay hayaan dhalashadaad,

Si aad u ogaato taabo “Personal info & privacy” kadibna halka hoose eeg o taabo “Manage ad settings”. Kaidbna waxaad ogaanaysaa Google-ka in ay ka warqabaan in aad tahay Lab ama dhidig
[interaction id=”57043c635ac3fae67af377ff”]

Diyaariyay Hassan OSman Hagi

(Visited 614 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..