Hijradda Waxay Badashay Taariikhda Duniida oo Idil (Qeybtii 1-aad)

Hijradda Waxay Badashay Taariikhda Duniida oo Idil (Qeybtii 1-aad)

Aad buu u jaclaa meesha uu ku dhashay,waxaana uu ku noolaa noloshiisa inteeda badneyd, waxaa uu ka baxay magaaldaan labo jeer intii uu yaraa isaga oo mar la socday Hooyadiis Amiina bintu Wahba, si uu usoo booqdo abtiyaalkiisa oo madiina jooga, Marka labaadna waxaa uu safar u raacay adeerkiis Abii Daalib dhankaasi iyo sham, waxaase jirtay mar kale oo uu magaalada kaga baxay markii uu ganacsigii Khadiija Bintu Quwaylad uu u hayay.

Waxaa uu ahaa mid ay jecel yihiin dhamaan reer Makka, iyagoo markaasi ku NAANEESI JIRAY Runlowgii aaminka ahaa. Laakiin waxay dhabarka u jeediyeen markii uu ku yiri waxaan ahay dhabigii Alle doortay. Bilooggii waxaa ay usoo bandhigayn hanta iyo maal aad u tiro badan si uu kaga laabto sheegashada Nabinimadda, laakiin  waa uu diiday, wuxuuna yiri: “ Waxaan ahay Rasuul la idiin soo diray idinka” 13 sanno waxaa uu ugu yeerayay Islaanimadda, iyagana 13 sano waxay dagaal iyo cadowtininimo u qaadeen.

(Visited 172 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..