Hijradda waxay badashay Taariikhda Dunidda oo Idil (Qeybtii 3-aad)

Qureysh, waxay isku dayeen wax waliba oo ay ugu hor istaagi karaan dhaqdhaqaaqii Rasuulka SCW oo ahaa in uu diinta ku faafiyo Makkah iyo wixii ka baxsanba, xitaa ay qureysh gaareyn in ay soo saaraan wareegto dil ah, waxaana lasoo gaaray habiinkii dilka la fulin lahaa, nagartii ay la doonayeen in ay ku fuliyaan Muxamed bin cabdulaahi Alle waa uu ka badbaadiyay, dhagartoodii Alle ayaa burburiyay, waxaa uu ku baxay hortooda, oo isla markaana aysan arkin isaga, wuxuuna madaxooda dhigay ciid iyaga oo aanba ka warhayn waxaana ka indha daboolay Alle wayne..

Barnaamijkeena waxaa uu ka bilaabanaya Rasuulka SCW oo dijnaya qidadii uu kaga haajiri lahaa Makkah isaga oo u socda Madiinah. Qureyshna waxaa ay duldhigay abaalmarin weyn 100 halaad,ninkii Muxammad ku keenaa Nolol ama geeri.

Qureysh kuma aysan guulaysan in ay ka hor istaagaan carabtii u imaanaysay hajka iyo cumarada in ay qaataan diinta islaamka, Xaasidnimada qureysh waxaa uu gaartay halkii ugu saraysay, waana uu dhintay ninkii ay kaga baqayeen Rasuulka Alle. Rasuulka Alle waxaa uu amaray asxaabtiisa oo dhan in ay haajiraan isaga ka hor, si looga ilaaliyo qureysh dhibkeeda, Maxaa yeelay qureysh isaga ayeey aad u doonaysay.

(Visited 115 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..