Barashadda saxaafadda: Kumaa noqon kara Suxufi/Wariye?

Barashadda saxaafadda: Kumaa noqon kara Suxufi/Wariye?

Yaa Suxufi ah?

140902195930-erin-dnt-machado-who-is-sotloff-00011907-horizontal-gallery

Ma dhici kartaa haddii qof walibaa inta uu iska sheegto Suxufi uu qoro ama faafiyo wax alla wixii uu doono? Hadii su’aasha noqon laheyd:” Qof kastaa ma sheegan karraa dhakhtarnimo?” Jawaabta ma adkaateen. Dabacn waa maya! Dhakhtar si aad u noqoto, waa in aad leedahay aqoonteeda, tababar iyo waayo-aragnimadii, hadii kale lagama yaabo in ciddii xanuun kuula timaada in ay ku liibaanto daweyntaada ( ammase: daawo-xumadaada).

Waxaa sidaasi oo kale lamid ah dhamaan xirfadaha amma shaqooyinka kaleba.Kaba soo
qaad Injineer aan laheyn khibrad isla markaana dhisa saro dhaadheer oo isdulsaaran, hadaba maxay kula tahay dadka guryahaasi dagaya ee khatarta weyn aan ka warqabinba?. Mar ay noqotaba waxaa hubaal ah in dhismahaani uu yahay mid isku duma. Hadaba maxaad u malayn laheyd haddii arrinta laga hadlaaya ay ku saabsanaan laheyd diyaarad nooca rakaabka qaada ah iyo duuliyihii wadayay?

Ma raaci laheyd diyaarad aad ogtahay in wadaha kicin doonnaa aanu weligiisba qaadan tababar duuliyannimo ah?, Maxaadse sameyn Laheyd markaasi?”

Bal k warran suxufiga? waxay u muuqan wax lala yaabo in dad badani aysan ruameysan yihiin in qofka doonaya in uu noqdaa joornaaliste in uusan u baahneyn waxbarasho sare, tababar-xirfadeed iyo aqoon kale midna ee uu horay ka bilaabi karo shaqada warabaahinta.

Miyaanan kaalinta saxaafadda iyo suxufiyiintu ahayn muhiim? Haddaan nahay suxufiyiin, waxaan ku shaqaynaa xirfad u baahan mas’uuliyad iyo ubislaansho. Dhakhtar aan tababar lahayni waxaa uu galaafsan karaa naf qof xanuunsanaya. Waxaa taa lamid ah “duuliye'” aanba soo baran diyaarada kicin, ” Joornaalistayaasha” iska qora wax alla wixii ay la noqoto amma ay doonaanba, waxay sidaasi oo kale geysan karaan waxyeelo balaaran.

Waxay dili karaan magac qof aan eed laheyn. Waxay faafin karaan warar ben-abuur ah, amma aan sugneyn, waxay kaloo dadweynaha ka dhax abuuri karaan iska-horimaadyo. axay abuuri karaan khalkhal-kuwaasi oo keeni kara isdil, suxufiyiinta waxay saameyn ku leeyihiin ra’yul-caamka guud ee dadwaynaha, iyo miisaan wayn dhanka mujtamaca  dhexdiisa. Sidaasi awgeed waa inay si fiican u fahamsan yihiin xirfadooda si aanay u gaysan waxyeelooyin ka iman kara xirfadda suxufinnimada oo si khaldan loo adeegsado.

Wariyaha xirfadyahanka ah waa kan ku shaqeeya xeerka anshaxa- sida xirfaddaha kale dhakhtarnimada, injineerka iwm.

Siyaabaha qofku ku noqon karo suxufi way kala duwan tahay marka loo eego dalal kala gedisan.Waxa jira dalal aan iyagu laheyn shuruuc adag ama xeerar saameeya saxaafadda iyo suxufiga- dalalkaasina waxaa dhici karta in cidii rabtaa, aragti ahaan, ay iska bilaabi inay wax faafiso iyadoo aanan wadan wax tababar ah ama aqoon kale iyo waayo-aragnimo ah, ficil ahaanse waa ay adagatahay taasi, waa inaad u leedahay awood weyn iyo hibo sare wax qorista iyo wax baahinta, waana in aad ku hubaysan tahay aqoon leh sal adag, markaasi ayeey kuu suura galaysaa in ay ku aqbalaan jaraa’idyada, idaacadaha ama teleefishinada.

Sida caadiga ah qokii doonaya in uu dhax galo saxaafadda, waa in uu marka hore ka bilaabaa in uu  la xiriiro jaraa’idyada ama idaacadaha  si uu halkaasi ugu qaato tababar shaqo isla markaana uu soo dhameysto waxbarashada dugsiyada sare ama jaamacadda. waxaa uu sidaasi oo kale uu gali karaa laamaha saxaafada ee jaamacadaha ama koorsooyin gaar ah oo lagu barto culmiga saxaafadda. Tababar shaqo-saxaafadeed oo ad kul ajoogto jaraa’id waxay kugu qaadan kartaa mudo dhan sannad ilaa iyo laba sano.

Waxaase caalamka kusoo badanaya koleejyo lagu barto culuumta saxaafada, dalalka qaar waxaa ay xadidaan sida lagu noqodo wariye ama suxufi, waxaana xadida dowlada, waxaa si ka fiirsasho leh loo xulaa dadka raba xirfaddaasi, amma waxaa lagu xiraa inay marka hore galaan amma kasoo baxaan macahdyo gaar ah. Xataa marka ay soo qaataanwaxbarashadaasi rasmiga ahkadib, waa inay qaataan liisimmo sharci amma ogolaansho si ay ugu shaqeeyaan xirfadaasi.

Ruqsadda amma Liissimmada waxaa bixin karaa hey’ado dawli ah amma ururu saxaafadeed waana in la cusboonaysiiyaa muddo ka muddaba.

Suxufiyiintu waxaa marwalba uu yoolkoodu yahay in ay xaqiiqada ku saleeyaan wararkooda-si ay u soo bandhigaan fekredo madaxbanaan oo la xiriira dhacdooyinka, iyagoo aan ku daboolayn dareenkooda ee ka madaxbanaan fekredooda iyo waxa ay aaminsanyihiin

Waxaa isku soo duba riday: Yonis Cali Nuur iyo Maria Frauenrath

Waxaa soomaali ka dhigay qoraalka: Nuur Shire Cismaan

Qeybaha kale : | Muxuu qabtaa Suxufiga? | Halkee ayuu suxufiga ka shaqeeyaa |

 

(Visited 410 times, 1 Soo booqatay Maanta)

Fariintaada halkaan ku reeb

E-Mailkaaga halkaan laguma soo daabici doono inshaa Allaah..